Jesse Lingard oo ku biirey kooxda West Ham qaab amaah ah 

0
344

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Isku dayga David Moyes ee lagu xoojinayo kooxda West Ham ee ku aadan inay u soo baxaan isreebreebka Yurub ayaa horseeday heshiis amaah ah ay kusoo qaateen weeraryahanka kooxda Manchester United Jesse Lingard.

28 jirka ma uusan ciyaarin hal daqiiqo oo kubada cagta Premier League ah xilli ciyaareedkan, waxaana kaliya uu heystaa 179 daqiiqo oo ah 2020/21 oo uu kubad ka heysto tartamada oo dhan macalinka United Ole Gunnar Solskjaer ayaa Jaanis badan siinin ciyaaryahanka madaama uu ka soo muuqday kulankii Brighton koobka Carabao Cup oo uusan waqti badan kasoo muuqan Premier league.

Ka bixitaankiisa qorshayaasha United waxa loo badinayaa qaab ciyaareedka aadka u xun sanadkii la soo dhaafay iyo imaatanka Bruno Fernandes waa oo noqday mid saameyn weyn ku yeeshay Safka Man united iyo kasoo bixitaankii Mason Greenwood ee akadeemiyada kooxda iyo  horumarka sii socda ee Marcus Rashford taasoo la micno ah inay jirto fursad yari dhanka Safashada ah.

Jesse Lingard wuxuu u badan yahay inuu aqbalay in waqtigiisii United uu soo gabagabeynayo, isla markaana uu mustaqbalkiisa ciyaareed ku soo nooleeyo West Ham amaah uu ku bilaabayo iyo laga yaabee inuu si joogto ah u sii socdo – koox weligeed horumar ka sameysa David Moyes ayaa ka muuqata dusha sare waxaana uu heli karaa fursad cajiib ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here