Dowladda Jarmalka oo shabakadda Telegram ku ganaaxday illaa $5 milyan

0
239

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Dalka Jarmalka ayaa sheegay inuu ganaax lacageed ku soo rogay shabakadda fariimaha la isku dhaafsado ee Telegram, isaga oo ku eedeeyey inay ku guuldaraysatay inay u hoggaansanto shuruucda dalka Jarmalka.

Lacagta ganaaxa ah ee lagu soo rogay shabakadda fariimaha ee Telegram ayaa gaadhaysa illaa $5 milyan oo dollar. Xafiiska caddaaladda ee heer federaal ayaa sheegay in shirkadda iska leh shabakadda Telegram, inaan lagu dhisin hannaan sharci ah oo ka warbixinaya waxyaabaha sharci-darrada ah ee la dhex mariyo, iyo inaanay Jarmalka ka samaysan ama u soo magcaabin cid xidhiidh rasmi ah lala sameeyo. Labadaas qodobba, waa qaar ka mida waxyaabaha uu dhigayo sharciga dalka Jarmalku.

Saraakiisha Jarmalka ayaa sheegay inay marar badan ku guuldaraysteen isku dayo ay doonayeen inay waraaqo ugu gudbiyaan shirkadda Telegram ee fadhigeedu yahay magaalada Dubai, inkasta oo ay taageero ka heleen dawladda Imaaraadka Carabta.

Shirkad bixisa adeegga sharciga oo fadhigeedu yahay dalka Jarmalka ayaa sheegtay inay metesho Telegram, hase ahaatee arrintaasi ma noqon mid ku filan inay hor-istaagto ganaaxa lagu soo rogay shirkadda.

Booliska heer federaal ee dalka Jarmalka ayaa sannadkan horraantiisii ka digay in shabakadda Telegram, ay xuddun u noqonayso “xagjiraynta”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here