Jamie Carragher oo shaaca ka qaaday hal xaallad oo ay Liverpool ku difaacan karto Premier League xilli ciyaareedkan

0
282

Liverpool(Idaacadda Waamo)-Daaficii hore kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa muujiyay kalsoonida uu ku qabo awooda Reds u yeelan karto inay difaacato horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, laakiin wuxuu ku xiray shuruud.

Inkasta oo ay Liverpool qaab ciyaareed fiican soo bandhigtay xilli ciyaareedkaan, hadana waxaa soo ifbaxay cabsi ka dhalatay xiddigo badan ka tirsan Reds oo dhaawacmay, gaar ahaa qeybta gadaale ee daafaca.

Jamie Carragher ayaa aaminsan in saxiix cusub ee lagu soo kordhiyo safka kooxda Liverpool intaa lagu gudi jiro suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo ay noqon doonto fursad ay Reds ugu guuleysan karto markii labaad ee xiriir ah horyaalka Premier League.

Wargeyska “Mirror” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Daaficii hore kooxda Liverpool ee Jamie Carragher, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxaan u maleynayaa hadii Liverpool ay iibsan karto daafac wanaagsan bisha Janaayo ee soo socota, qofna ma awoodi doono inay joojiso, runti waan aaminsanahay taas”.

“Dhanka daafaca, waxay ka qabaan dhibaatooyin dhaawac ee la xiriira dhanka daafaca dhexe, haddii ay xaliyaan dhibaatadan bisha Janaayo, Liverpool ayaa noqon doonta musharaxa ugu fiican, laakiin xilligan kooxdu waxay fursad siman la leedahay Manchester City, dhaawacyo dartiis iyo maqnaanshaha Virgil van Dijk”.

Carragher ayaa xaqiijiyay in farqiga u dhexeeya labada koox ee Liverpool, Man City, iyo kooxaha kale ee Premier League, uusan u weynaan doonin sidii dhacday labadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay, wuxuuna intaas ku daray:

“Uma maleynayo inuu farqi weyn u dhexeeyn doon iyaga iyo dhamaan kooxaha kale sidii aan aragnay labadii sano ee la soo dhaafay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here