Jamie Carragher Oo Arne U Slot U Sheegay In Uu Kaydka Dhigo Xiddig Dhibaatoonaya

0
8

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Jamie Carragher ayaa ugu baaqay tababaraha Liverpool, Arne Slot, inuu waqti yar kaydka dhigo Florian Wirtz kaddib bandhigii niyad-jabka lahaa ee ciyaaryahanku sameeyay kulankii ay guuldarreysteen ee Champions League laga badiyay Galatasaray.

Gool uu dhaliyay Victor Osimhen qeybtii hore ee ciyaarta ayaa Liverpool u horseeday guuldarradoodii labaad afar maalmood gudahood, kaddib markii ay horay guuldaro ugala kulantay kooxda Crystal Palace sabtidii.

Laakiin marka laga soo tago natiijada, bandhigga guud ee Liverpool ayaa ahaa mid welwel badan dhalinaya, iyadoo kooxdu si muuqata uga hooseyso heerkii ay joogtay xilli ciyaareedkii hore ee ay ku guuleysatay horyaalka.

Kooxda Liverpool ayaa mar kale muujisay daciifnimo weyn dhanka difaaca, iyo isku xirnaan la’aan dhanka khadka dhexe, iyadoo bandhiggii liitay ee ugu dambeeyay uu keenay dhaleeceyn culus oo kaga timid Jamie Carragher.

Ma dareemayo inaan daawanayo koox heer sare ah,” ayuu yiri difaacii hore ee Liverpool Jamie Carragher mar uu la hadlayay CBS Sports.

“Liverpool ma ciyaarayso kubadda cagta waqtigan, waxay ciyaarayaan sida kubadda kolayga — waxay noqotay ciyaar labada dhinacba u furan (end to end). Ma aaminsani in kooxaha heerka sare ah sidaas u ciyaaraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here