Jadon Sancho Oo Manchester United Dhibic Uga Keenay Chelsea, Qaladkii Jorginho Iyo Carrick Oo Ka Badbaaday Canaan

0
327

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxaha kubadda cagta Chelsea iyo Manchester United ayaa dhibcaha ku wadaagay kulan xiiso badnaa oo ka dhacay garoonka Stamford Bridge, kaas oo ay intiisa badan maamulanaysay Chelsea.

Manchester United ayaa la hormartay gool uu qaladkiisa lahaa Jorginho oo uu dhaliyey Jadon Sancho, kaas oo kubadda ka boobay khadka dhexe ee Talyaaniga, si qurux badanna u dhamaystiray.

Chelsea oo fursado badan iska khasaarisay ayaa gool rikoodhe ah ku keentay barbarraha kaas oo uu u dhaliyey Jorginho oo saxay qaladkiisa.

Blues ayay natiijadani ku tahay guul-darro oo kale, sababtoo ah waxay iska lumiyeen fursado qaali ah oo intooda badan uu goolka  la seegay Timo Werner, halka Manchester United ay fursaddeedii ugu wanaagsanayd gacanta u gelisay goolhaye Mendy dhamaadka ciyaarta.

Manchester United ayaa usoo dallacday kaalinta siddeedaad ee horyaalka Premier League iyadoo yeelatay 18 dhibcood, halka Chelsea ay wali hayso hoggaanka oo ay leedahay 30 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here