Jadon Sancho oo dib ugu soo laabtay tababarka kooxda Borussia Dortmund ka hor kulankooda Champions League ee Manchester City

0
262

Dortmund(Idaacadda Waamo)-Jadon Sancho ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa Borussia Dortmund, kaddib muddo bil ah oo uu la maqnaa dhaawac muruqa ah.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa isku diyaarinaysa kulankeeda Champions League oo ay la leedahay Manchester City, waxaana kooxda reer Jarmal oo tababarkooda dib ugu soo laabtay Jadon Sancho.

Ciyaaryahanka xulka qaranka England ayaa garoomada uga maqnaa dhaawac muruqa ah muddo bil ah, laakiin waxa uu si shaqsi ah Axaddii tababar ugu qaatay xarunta tababarka kooxda ee Brackel.

Kooxda reer Jarmal ayaa guuldarro 2-1 ah kala soo kulantay Man City lugta hore ee siddeed dhammaadka Champions League ciyaartaasoo dhacday 06 bishii April, waxaana ay doonayaan Dortmund inay natiijada ciyaarta dhinaca kale u rogaan.

Markii la sii daayay Muuqaalka 21-jirkan ee tababarkiisa Axaddii, Kooxda Dortmund ayaa ku soo qortay Twitter-ka: ‘Hey, Mr. Sancho! Jadon Sancho ayaa ku soo laabtay tababarka si uu u dhammaystiro tababar shaqsi ahaaneed Saaka.’

Lambarka 7-aad ee Dortmund ayaan u ciyaarin kooxda ka dheesha horyaalka Bundesliga tan iyo kulankii siddeed dhammaadka German Cup oo ay guusha ka gaareen Kooxda Borussia Monchengladbach, kulankaasoo dhacay 02 bishii Maarso.

21-sano jirkaan ayaa seegay kulankii ay 2-1 ay kooxdiisu guuldarro kala kulantay Man City ee lugta hore siddeed dhammaadka UCL todobaadkii la soo dhaafay, waxaana sidoo kale uu ahaa mid aan la heli karin kulammadii isreeb-reebka Koobka Adduunka 2022 oo xulkiisa qaranka England uu wajahay xulalka San Marino, Albania iyo Poland ee intii lagu guda jiray ciyaaraha caalamiga ah.

Sancho ayaa ka soo aflaxay kuliyadda kooxda Man City, waxaana uu iska diiday inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda ka dheesha Premier League, markii uu 17-sano jir ahaana waxa uu ku biiray Kooxda Dortmund sanadkii 2017.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here