Jabuuti oo maanta diiwaan gelisay in ka badan 60 kiis oo Coronavirus ah

0
396

Djibouti(Idaacadda Waamo)-Dawladda Jabuuti ayaa maanta shacisay 65 kiis oo cusub oo cudurka Coronavirus ah, kuwaas oo laga diiwaan geliyay gudaha dalka.

Warbixin ay soo saartay wasaaradda caafimaadka dowladda Jabuuti ayaa lagu  sheegay in baaritaan la mariyey 24-kii saac ee lasoo dhaafay 407 ruux, isla markaana cudurkaas laga helay 65 qof oo ka mid ah dadkii la baaray.

Tirada guud ee dadka uu ku dhacay xanuunkan ayaa mareysa dalka Jabuuti 363 xaaladood, sidoo kale dowladdu waxa ay sheegtay in 53 ruux ay ka bogsatay cudurkaas, labana ay u dhimatay.

Dowladda ayaa xanuunkaas ka baartay 5,356 oo ruux, waxaana laga helay 363, kuwaas oo labo u geeriyootay.

Warbixintii shalay kasoo baxday wasaaradda caafimaadka dalka Jabuuti waxaa lagu sheegay in shalay kaliya dalkaas laga diiwaan geliyay 83 xaaladood oo noqday kiisaskii ugu badnaa ooh al maalin laga diiwaan geliyo Jabuuti tan iyo markii uu dalkaas ka dilaacay Coronavirus.

Bandowga ku eg 28-ka bishan ayaa lagu soo rogay dalka, waxaana dhamaaday waqtiga bandow dhowr cisho ah oo horay loogu soo rogay dalkaas, balse lagu kor dhiyey mudo laba toddobaad ah, kadib markii ay sii badatay khatarta cudurka uu ku hayo dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here