Jabuuti iyo Sucuudiga oo wada gaaray heshiis ganacsi

0
352

Riyaadh(Idaacadda Waamo)Dowladda Jabuuti ayaa boqortooyada dalka Sucuudiga la saxiixatay heshiis isdhaafsi ganacsi iyo mid maalgashi oo labada dal dhex mara.

Heshiiskan oo ka dhacay magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga ayay wada saxiixeen Wasiirka Ganacsiga Jabuuti Xasan Xamud Ibraahim iyo dhiggiisa Sucuudiga Maajid Cabdalla Qasaabi iyada oo ay goobta ku sugnaayeen masuuliyiin kale oo kala kala socotay labada dal.

Heshiiskan ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta iyo dhiirri-gelinta isdhaafsi ganacsi oo dhax mara dalalka Jabuuti iyo Sucuudiga.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Sucuudiga labada dhinac ayaa ku ballamay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta heshiiska ganacsiga ee ay wada gaareen.

Labada dowladood ayaa sidoo kale isku raacay in ay ka wada shaqeeyaan diyaarinta fursadaha maalgashi, isdhaafsiga xogaha iyo waaya-aragnimada dhanka suuqyada ganacsiga iyo isdhexgalka ku dhisan hannaanka dheef-wadaagga ah.

Labada wasiir ayaa hoosta ka xarriiqay sida labada dhinac ay muhim ugu tahay in ay wada yeeshaan golayaal iyo dood-cilmeedyo lagu horumarinayo dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo maalgashiga sida agaasinka bandhigyo waaweyn oo ganacsi.

Sanadkii 2018-kii lacagta ka soo xarootay ganacsiga ay labada dal is dhaafsadaan ayaa gaartay 488 milyan oo doollar iyada oo badeecadaha Sucuudigu u dhoofiyo Jabuuti ay gaarayaan 439 milyan oo doollar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here