Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kulankan aqoon is waaydaarsiga ah oo ay soo qaban qaabisay Jaamacadda Plasma faraceeda Kismaayo ayaa lagu qabtay Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Kulanka oo looga hadlayay shuruudaha dib u dhiska qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa marti ku ahaa Dr Xassan Sheekh Cali Nuur oo wax ka dhiga qaar ka mid ah Jaamacadaha Ku yaala Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxaana madasha kulanka ka soo qayb galay Maamulka iyo Ardayda Jaamacadda iyo qaybaha kale ee bulshada Kismaayo ku nool.
Xamdi Maxammed Yaasiin,ayaa warbixintan inooga diyaarisay.