Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Jaamacadda Kismaayo oo ah Jaamacadaha ugu Faca weyn deegaanada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo kordhisay Aqoonta daraasaadka sare ama Aqoonta Mastarka, waana Jaamacadii ugu horeysay ee keentay Aqoontaasi deegaanada Jubbaland.
Jaamacadda Kismaayo waxay shahaadada Master-ka ku bilaabi doontaa labo kamid ah Kuliyadaha ay bixiso Jaamaca kuwaa oo kala ah Kuliyada Shareecada iyo Kuliyada Maamulka iyo Maareynta.
Awke Ali Awil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.