Isu soo bax lagu Roob-doonayay oo Maanta lagu qabtay Magaalada Kismaayo

0
182
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Boqolaal qof ayaa maanta isugu soo baxay Magaalada Kismaayo si ay uga qayb qataan Roob daan iyo Alla bari waxaana  isu imaatinkaan lagu roob doonayo uu ku soo beegmay xili abaaro xun ay ka jiraan guud ahaan Soomaaliya gaar ahaana degaanada dowlad goboledka Jubbaland.
Isu soo baxaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Caddaalada Aw-qaafta iyo arrimaha diinta Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dadkii isu soo baxay waxaa ay sameeyeen Alla bari ayagoona halkaasi ku Tukaday Salaad ay Allah ku way diisanayaan in uu abaarta iyo dhibaatooyinka kale ka dul qaado ummada Soomaaliyed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here