Isra’iil oo sii daysay maxaabiis ay Suuriya ka qabatay 1982-kii.

0
405

Tel-aviv(Idaacada Waamo)Isra’iil ayaa sii daysay laba maxaabis oo ay Suuriya ka qabatay 1982-kii, kaddib markii lagu soo wareejiyay maydka askari ka maqnaa tan iyo 1980-kii.

Taliye Zechariah Baumel, oo haystay dhalashada Maraykanka ayaa la waayay xilligii uu socday dagaalka Lebanon 1982-kii.

Maydkiisa ayaa dib loogu celiyey Israa’iil bishii April 2019-kii.

Labadan nin ayaa la sii daynaa maalinta Jimcaha ah, Sida uu u sheegay Warbaahinta afhayeen u hadlay.

Raggan ayaa ka soo jeeda tuulada Druze oo ku taala dalka Suuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here