Isku Aadka Wareega 16-ka Copa Del Rey-ga Ayaa La Soo Saaray

0
417

Kismaayo(Idaacada Waamo) Waxa si Rasmi ah loo soo saaray Isku Aadka wareega 16-ka ee tartanka Copa Del Rey-ga xilli ciyaareedkan kadib markii la ciyaaray wareega 32-ka 3-dii maalin ee la soo dhaafay.

Kooxda Atletico Madrid ayaa ah Kooxda ugu Weyn ee Laga Reebay Tartanka Kadib Markii ay Guuldaro 2/1 ah Kala Kulmeen Kooxda Cultural Leonesa.

Kooxaha Isu Soo Baxay Wareega 16-ka Ayaa Waxaa Ka Mid ah , Athletic Club, Badajoz, Barcelona, Cultural Leonesa, Granada, Leganés, Mirandés, Osasuna, Real Madrid, Real Sociedad, Rayo Vallecano, Real Zaragoza, Sevilla, Tenerife, Valencia & Villarreal.

Kooxaha Waaweyn ee Horyaalka Sida Barcelona Iyo Real Madrid ayaa ogaaday Kooxaha ay La Ciyaari Doonaan Wareega Xiga ee 16-ka.

Kulamada ayaa la ciyaari doonaa 28, 29 iyo 30 bishan Janaury kuwaas oo ku beeganaan doona Salaasa, Arbaca iyo Khamiis.

Hadaba Halkan Hoose kaga Bogo Isku Aadka wareega 16-ka ee tartanka Copa Del Rey-ga:

Tenerife vs Athletic Bilbao
Real Zaragoza vs Real Madrid
Mirandés vs Sevilla
Rayo Vallecano vs Villarreal
Barcelona Vs Leganés
Real Sociedad Vs Osasuna
Badajoz vs Granada
Cultural Leonesa vs ValenciaImage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here