Isku Aadka Kulamada Kala Baxa Ah Ee Euro 2020 Oo La Soo Saaray

0
658

Kismaayo(Idaacada Waamo) Xiriirka Kubada Cagta yurub ee UFEA ayaa si Rasmi ah u soo saartay kualamada kala baxa ah ee Euro 2020 kuwaas oo ku biiri doona 20-ka xul ee haatan sida Rasmiga ah ugu soo baxay.

16 Xul ayaa Ku Dagaalami Doona 4 Boos oo Ka Banaan Wareega Group-yada Tartanka Euro 2020 Kaas oo Bilaabi Doona Dhamaadka Xilli Ciyaareedkan ee Horyaalada Kala Duwan.

Xulalka Ku Dagaalami Doono 4-ta Boos ee Ka Banaan Wareega Group-yada Tartanka Euro 2020 Waxaa Kamid ah, Iceland, Bosnia, Slovakia, Ireland, Northern Ireland, Scotland, Norway, Serbia, Georgia, North Macedonia, Kosovo, Belarus, Bulgaria, Israel, Romania.

Semi-Finalka Kulamadaan Kala Baxa ah ayaa La Ciyaari Doonaa 26 Bisha March Sanadka Soo Socdo ee 2020 Halka Kulamada Finalka La Ciyaari Doono 31 bisha March

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here