Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa iskaashatada beeraleyda degmada Xaraale si rasmi ah ugu wareejisay cagaf loogu talagalay fududeynta shaqada beeraleyda deegaankaasi.
ugu horeyn Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa kawarbixiyay waxyaabaha ay ku wareejiyeen Iskaashatada Beeraleyda, sidoo kale sheegeen in cagafta lagu wareejiyay ay wax weyn ka tari doonto tacbashada beeraha.
Awke Ali Awil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.