Inter Oo Toban Daqiiqadood Ku Khaarajisay AC Milan

0
127

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda kubadda cagta Inter Milan ayaa lug lasii gashay finalka Champions League kaddib markii ay San Siro Stadium ku garaaceen kooxda ay isku magaalada yihiin ee AC Milan oo ay tobankii daqiiqadood ee ugu horreeyey kaga takhaluseen.

Laba gool oo ay saddex daqiiqadood u dhaxeeyeen oo ay kala dhaliyeen Edin Dzeko iyo Henrikh Mkhitaryan ayaa Inter Milan siiyey guul raaxo leh inkasta oo ay labada kooxood biraha garaaceen oo ay fursado badan oo kale iska lumiyeen labadii qaybood.

Inter ayaa hoggaanka ku qabatay gool qurux badan oo uu daqiiqaddii siddeedaad u dhaliyey Edin Dzeko oo kubbad  uu dhinaca bidix kasoo qaaday Hakan Calhanoglu ku qabtay lugta bidix oo uu dhinaca ka sudhay shabaqa uu waardiyeynayay Mike Maignan oo waayey cid kubadda ka hor joogsata.

Saddex daqiiqadood oo kaliya kaddib ayuu Henrikh Mkhitaryan kubbad ula tegay goolhaye Mike Maignan oo uu dhaliyey goolka labaad ee Inter Milan, halka kooxda caawa ku qornayd martigelinta ee AC Milan ay awoodi weyday inay wax goolal ah la timaaddo.

Ciyaarta oo ku bilaabatay jawi dardar leh oo ay firfircooni badan muujinaysay Inter ayaa waxay ka faa’iideeyeen fursadoodii ugu horreysay ee ay heleen oo timid daqiiqaddii siddeedaad oo uu gool u beddelay Dzeko oo kabtanka AC Milan oo ku tiirsaday uu lugtiisa dheer kubadda kaga horqaaday goolkiisana u weydaariyey.

AC Milan oo u muuqanaysay inay u jabtay weeraryahanka reer Portugal ee Rafael Leao oo dhaawac kaga maqnaa ciyaartan isla markaana booskiisa lagu buuxiyey khad dhexe oo hal-abuurkoodu yaraa, ayaa waxay aragtay saddex daqiiqadood kaddib iyadoo shabaqooda ay kubaddu dhax taallo.

Hakan Calhanoglu ayaa ka nixiyey kooxdiisii hore ee AC Milan, waxaanu kubbad gantaal ah oo uu ku toogtay ku garaacay birta dhinaca bidix ee goolhye Maignan oo istaagay isla markaana aan xataa isku dayin in uu raco, balse dib ayay usoo noqotay.

AC Milan oo aan usoo bixin finalka Champions League tan iyo sannadkii 2007 oo ay ku guuleysatay tartankan, ayaa dedaal  badan samaysay qaybtii dambe, waxaase mar walba muuqanaysay in ay tabayaan Leao.

Tolani ayaa uu nasiibku diiday oo birta garaacay daqiiqaddii 63aad, waxaanay ugu dambayntii qirteen labada kooxood in ay qasab tahay inay ku heshiiyaan natiijo 2-0 ah oo guushu ku raacday Inter Milan.

Lugta labaad oo Salaasada ka dhici doonta isla garoonka San Siro Stadium oo ay ku kala bixi doonaan, Talyaaniga ayaana laga go’aamin doonaa kooxda koowad ee u gudbaysa finalka Champions League, ka hor inta aan garoonka Etihad Stadium lagu kala saarin Manchester City iyo Real Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here