Inter Milan Oo Heshiis Saddex Sannadood Ah La Saxeexatay Xiddig Lacag Badani Ka Gashay Manchester United

0
266

Kooxda kubadda cagta Inter Milan ayaa si bilaash ah kula saxeexatay xiddiga reer Chile ee Alexis Sanchez, kaddib markii ay Manchester United burburisay heshiiskii ay kula jirtay.

Sanchez oo amaah ugu ciyaaray Inter Milan xili ciyaareedkan, ayaa waxa uu qalinka ku duugay heshiis saddex sannadood ah oo uu kula sii joogi doono kooxda Talyaaniga.

Xiddiga reer Chile oo Manchester United ku biiray January 2018 oo Arsenal uga soo wareegay ayaa ku dhibaatooday inuu saldhigo Old Trafford, waxaana 45 ciyaarood oo uu u saftay, una dhaliyey shan gool oo kaliya ay go’aansadeen inay amaah ugu diraan Inter xagaagii hore, halkaas oo uu tababare Antonio Conte ka dhigay xubin muhiim ah oo dib usoo ceshaday qaab ciyaareedkiisii.

Red Devils ayaa xalay shaacisay inay si rasmi ah u fasaxday Alexis Sanchez, heshiiskii ay ku wada jireen oo ay ka hadhsanaayeen laba sannadoodna ay burburiyeen, sida uu xaqiijiyey tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Inter Milan ayaa si degdeg ah uga hawlgashay heshiis rasmi ah oo ay ku beddesho amaahdii uu laacibkani kula joogay, waxaanu qalinka ku duugay heshiis saddex sannadood ah oo socon doonta illaa June 30, 2023.

Agaasimaha fulinta Inter Milan, Giuseppe Moratta ayaa shaaciyey in Alexis Sanchez uu muhiim ka yahay kooxdooda, xili ciyaareedkana uu qayb weyn kasoo ahaa, ayna ku faraxsan yihiin inay si rasmi ah ula wareegaan.

Sanchez ayaa laba sannadood oo uu Manchester United u ciyaaray waxa uu mushahar ahaan uga qaatay lacag wareer ah oo dhan 55 milyan oo Gini, iyadoo xataa inta badan bixin jirtay mushaharkiisa iyadoo uu u ciyaarayo Inter Milan. Shan gool oo uu dhaliyey iyo sagaal gool oo uu caawiye ka noqday ayaa Manchester United ay lacagta intaas le’eg ku siisay Sanchez.

Xili ciyaareedkan uu joogay horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A, waxa uu dhaliyey afar gool, laakiin caawintiisa ayaa sarraysay oo ahayd 10, halka uu bandhigga qaybtii dambe ee xili ciyaareedkuna ahayd midda ku qancisay kooxda Talyaaniga ah inay si rasmi ah ula saxeexato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here