Inter Milan oo guuldaro dhabarka usaartay Kooxda Ac Milan Kulan ka tirsan COPPA ITALIA

0
452

ITALIA (Idaacadda Waamo)-Kooxda Inter Milan ayaa xalay guuldaro xanuun badan dhabarka usaartay kooxda ay hal garoonka ku ciyaaraan ee Ac milan kulan ka tiran COPPA ITALIA iyadoo Inter Milan ay usoo gudubtay Semi-finalka Koobkani.

Ciyaarta oo aheyd mid xiiso leh waxaa hareeyay khilaaf iyo dagaal dhexmaray labada xidig ee Zlatan Ibrahimovic iyo Romelu Lukaku taasi oo keentay in casaan loo taago xiddiga kooxda Ac Milan ee Zlatan Ibrahimovic .

Kooxda Ac Milan ayaana qabatay hogaanka ciyaarta daqiiqadii 31-aad ee ciyaarta waxana goolka u dhaliyay Zlatan Ibrahimovic iyadoo lagu kala nastay goolkaasi.

Qeybta danbe ee ciyaarta ayay inter milan u suura gashay in ay hesho goolka bar-bar dhaca kaas oo ahaa rigoore waxana u saxiixay xiddiga Romelu Lukaku ka hor inta uusan waqtiga dhimashada uusan goolka guusha inter Milan u dhalinin Christian Eriksen.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday kooxda Inter Milan una soo  gudubtay Semi Finalka Koobka COPPA ITALIA halka kooxda Ac Milan ay ka hartay guud ahaan tartanka COPPA ITALIA.Image ImageImageImage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here