Inter Milan oo Chelsea N’Golo Kante Ka Doonaysa Walibo Heshiis isku Badalasho ah.

0
314

Italia-(Idaacadda Waamo) Kooxda Reer Italia ee Inter Milan ayaa Lagu Soo Waramayaa in ay Diyaar u tahay in ay Chelsea usoo Bandhigto Heshiis Isku Badalasho ah Iyadoo Saxiixa Xiddiga Weerarka uga Ciyaara ee Lautaro Martinez Siinaya Kooxda Chelsea Si ay uga Helaan Xiddiga Khadka Dhexe ee Kooxda Chelsea ee N’Golo Kante.

Tababarihii Hore ee Chelsea ee Antonio Conte ayaa La Fahamsanyahay in uu Doonayo in uu La Midoobo Kante isaga oo Ka Dhigtay Bartilmaameedkiisa ugu Weyn Si uu ugu Tartansiiyo Inter Horyaalka Dalka Talyaaniga .

Kooxda Chelsea ayaan Meesha Ka Saarin in ay iska iibiso Xiddiga Reer France ee N’Golo Kante Laakiin Waxa ay Dalban Doonaan Lacag aad u Badan Si ay u iibiyaan Xidiga .

Wargayska Gazzetta Dello Sport ayaa Sheegaya in ay Inter Milan Diyaarinayso in ay Heshiiska Kante Ku Darto Xiddiga aadka Loola Xiriirinayo Kooxda Reer Spain ee Barcelona ee Lautaro Martinez Si ay uga Baaqsadaan Lacagaha ay Dalban Doonaan Kooxda Chelsea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here