Ingiriiska oo si rasmi ah uga baxay Midowga Yurub.

0
348

London(Idaacadda Waamo)Ingiriiska ayaa xalay saqdii dhexe markii saacaddu gaartay 12 habeenimo waxay si rasmi ah uga baxay Midowga Yurub oo uu muddo 47 sanadood ah ka tirsanaa.

Xarunta baarlamanka ee dalkaas ee magaalada London, ayaa waxa fagaaraha ku yaal ka buuxay dad badan oo taageersanaa in laga baxo midowgaa, waxaanay tirinayeyeen ilbiriqsiyada ka haray wakhtiga oo markii ay saacaddu 12 habeenimo gaartay damaashaad ballaadhan dhigay.

Hase yeeshee Ingiriisku waxa uu inta sannadkan ka hadhsan ku sii dhaqmi doonaa heshiiskii Midowga Yurub, waana muddo loo qoondeeyey in lagu galo wada xaajoodyo lagu gorfaynayo sida uu noqon doono xidhiidhka mustaqbalka ee dalkaas iyo Midowga Yurub.
Laga billaaboi sabtida maanta ah, ra’iisul wasaaraha Britain, Boris Johnson, wuxuu noqonayaa qof si gaar ah loogu casuumi doona oo keliya shirka EU.

Sidoo kale wasiirada Britain iyaguna kama qeybgeli doonaan shirarka caadiga ah ee Midowga Yurub ay kaga arrinsaneyso arrimo badan.
UK waxay dalal badan oo caalamka kala hadli doontaa heshiisyo ganacsi oo ku aadan waxyaabaha laga iibsado iyo badeecadaha ay Britain ka soo iibsan doonto dalalka caalamka.

Wixii hadda kahoreeyay looma oggoleyn Britain in ay heshiis ganacsi la gasho dalalka Mareykanka, Australia iyo dalal kale, maadaama ay ka mid ahayd Midowga Yurub.
Dadkii taageersanaa ka bixitaanka Yurub ayaa ku doodaya in ay helin doonaa xoriyad ay dal walba kula ganacsan karaan, taasina ay sare u qaadi doonta dhaqaalaha UK.

Waxaa jira waxyaabo badan oo ay labad dhinac ka wada hadli doonaan, waxaana ugu muhiimsan heshiis ganacsi oo labada dhinac ay ku heshiiyaan.
Heshiis kasta oo ganacsi oo dhexmara UK iyo dalalka kale ee Midowga Yurub, waxay dhaqan gali doonaan ka dib xilliga kala guurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here