Imaaraadka Carabta oo Kismaayo soo gaarsiisay agabyo Caafimaad

0
367
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland ayaa maanta la wareegtay Deeq Dawo ah iyo agabyo kale oo caafimaad oo looga hortagaayo cudurka Covid-19  waxaana deeqdan Jubbaland soo gaarsiisay  Dowladda Imaaraadka Carabta.
Wasiirka wasaadada caafimaadka Jubbaland Dr Mursal Maxamed Khaliif oo daawadan la wareegay ayaa Dowladda Imaaraadka Carabta uga mahad-celiyay deeqdan waxa uuna sheegay in ay wax badan ka tari doonto ka hortaga Cudurka Covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here