Horudhac: Villarreal vs Real Madrid

0
181

Kismaayo (Idaacadda Waamo) Kooxda kubadda cagta Villarreal ayaa kulan adag maanta kula balansan horyaalka La Liga naadiga Real Madrid taasoo hoggaanka u heysa horyaalka misena loo arko inay ugu cadcaddahay hanashada horyaalka xilli ciyaareedkan.

Madrid ayaa hoggaanka La Liga isaga naallooneysa iyadoo 23 ciyaarood ku uruursatay 53 dhibcood iyadoo farqi dhibco badan ka sarreysa naadiga kusoo xigta ee Sevilla, halka Villarreal ay kaalinta lixaad ku jirto iyadoo leh 35 dhibcood kaddib 23 kulan.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain– La Liga

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 06:15 Maqribnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Estadio de la Ceramica

Garsooraha: Jose Sanchez (Spain)

Wararka kooxaha:-

Xiddiga weerarka ka ciyaara ee Gerard Moreno ayaa ka maqnaan doona naadiga Yellow Submarine, waxaana diiwaanka dhaawacyada uu kula biiray Ruben Pena iyo Francis Coquelin.

Dhinaca kale, Los Blancos ayaanan heli doonin adeegga xiddigaha Faransiiska ah ee Ferland Mendy oo difaaca bidix ka ciyaara iyo Karim Benzema oo weerarka hoggaamiya, inta kalena waa u diyaar Macallin Carlo Ancelotti.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Kaddib shan guul oo ay si xiriir ah bannaanka ugu soo gaartay La Liga intii u dhexeysay October illaa December 2021, Real Madrid ayaa la garaacay kulankii ugu dambeeyay oo ay bannaanka kusoo ciyaartay iyadoo khasaaro 1-0 ah kala kulantay naadiga Getafe, markii ugu dambeysay oo labo ciyaar oo xiriir ah lagu soo garaaco bannaanka iyadoo horyaalka ciyaareysa waxay ahayd bishii March ee sanadkii 2020 markaasna waxaa macallin u ahaa Zinedine Zidane.

Unai Emery ayaa afar guul ka gaaray Real Madrid 20 kulan oo uu La Liga ku wajahay, waxaana uu barbarro la galay saddex jeer halka 13 kulanna la garaacay, balse waxa uu ka adkaaday Carlo Ancelotti isagoo Sevilla hoggaaminaya bishii March ee sanadkii 2014 ciyaar ku dhammaatay 2-1.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here