Horudhac: Southampton vs Arsenal

0
299

Southampton(Idaacadda Waamo)-Kaliya saddex maalmood kaddib markii la soo gabagabeeyey difaacashadii FA Cup-ka ee Kooxda Arsenal oo lagu reebay wareegga afaraad, Southampton ayaa markale kulan horyaalka Premier League ah caawa soo dhoweynaysa Gunners.

Gool uu iska dhaliyey daafaca Arsenal ee Gabriel Magalhaes ayaa wax kasta soo gabagabeeyey kulankii Sabtidii ka dhacay garoonka St Mary, iyadoo Saints ay guul 1-0 ah ka qaadatay kooxda xafidanaysa tartanka FA Cup-ka.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:15 Habeennimo xilliga geeska Afrika

Garoonka: St Mary

Garsooraha: Mike Dean (England)

Wararka kooxaha:-

Southampton aya heli doonin daafacyadeeda Ryan Bertrand iyo Kyle Walker-Peters sababo la xiriira ganaax iyo dhaawac.

Laakiin Nathan Redmond ayaa markale taam ah, waxaana uu soo geli doonaa kursiga keydka kulanka ay wajahayaan Arsenal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here