Horudhac: Man United vs Burnley

0
297

Manchester(Idaacadda Waamo)- Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa xilliga Afurka caawa soo dhoweyneysa naadiga Burnley ciyaar ka tirsan Premier League.

Man United ayaa ciyaartii ugu dambeysay ee horyaalka Ingiriiska ka adkaatay naadiga Tottenham Hotspur toddobaadkii hore, waxayna dooneysaa inaysan sii wadato guulaheeda kulammada horyaalka Premier League.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 06:00 Maqribnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Old Trafford

Garsooraha: Jonathan Moss (England)

Wararka kooxaha:-

Manchester United ayaa qiimeyneysa taam ahaanshaha Marcus Rashford oo dhaawac cagta ah ku seegay ciyaartii Granada ee tartanka Europa League.

Harry Maguire, Luke Shaw iyo Scott McTominay ayaa dhammaantood ku laabanaya safka koowaad ee kooxda Red Devils kaddib markii ay ganaax ku seegeen ciyaartii dhacda habeenkii Khamiista.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here