Horudhac: Liverpool vs Arsenal ee kulanka Caawa

0
412

Liverpool(Idaacadda Waamo)-Kulankii ugu horreeyay ee dhexmara Kooxaha Liverpool iyo Arsenal muddo afar maalmood gudahood ah ayaa caawa ka dhacaya garoonka Anfield, iyadoo ciyaar qeyb ka ah horyaalka Premier League ay Gunners u safreyso magaalada Liverpool.

Marka ay caawa ku wada ciyaaraan kulankan Gunners iyo Reds ayaa markale 01 bisha October isla garoonkaan kulan qeyb ka ah wareegga 16-ka EFL Cup.

Labadaan Kooxood ayaa soo guuleystay labadii kulan ee ay illaa iyo haatan ka ciyaareen horyaalka Premier League kal ciyaareedkan, iyadoo mid ka mid ah uu guushiisii saddexaad oo xiriir ah heli karo caawa horyaalka Ingiriiska fasal ciyaareedkan.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Isniin 28 Sebt 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Anfield

Garsooraha: Craig Pawson (England)

Wararka Kooxaha:-

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Thiago uu tartan ugu jiro inuu safka hore ku soo bilowdo kulankiisii ugu horreeyay ciyaarta ay caawa ka horjeedaan Arsenal.

Jordan Henderson iyo Joel Matip ayaa ka maqan ciyaartan, laakiin Joe Gomez ayaa ku soo laabtay tababarka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here