Horudhac: Juventus vs Chelsea

0
232

Turin(Idaacadda Waamo)-Kooxaha Juventus iyo Chelsea ayaa caawa markale ku kulmaya tartanka ugu weyn heerka kooxaha qaaradda Yurub ee UEFA Champions League.

Is araggan oo ay caawa Bianconeri soo dhoweyneyso Blues ayaa ka mid ah kulammada ugu xiisaha badan ee wareegga guruubyada tartanka horyaallada Yurub xilli ciyaareedkan iyagoo ku wada jira guruubka H.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Yurub – Champions League

Saacadda ay bilaabaneyso ciyaarta: 10:00 Habeennimo xilliga Geeska Afrika

Garoonka: Allianz Stadium

Garsooraha: Jesus Gil (Spain)

Wararka kooxaha:-

Juventus macallinkeeda Massimiliano Allegri ayaa dhexda ka taagan dhabar jab dhanka dhaawacyada kaga imaanaya isagoo aanan caawa heli doonin afar ka mid ah safkiisa koowaad oo ay ugu horreeyaan Paulo Dybala iyo Alvaro Morata.

Si la mid ah Chelsea macallinkeeda Thomas Tuchel ayaa la tacaala dhaawac cusub waxaana safkiisa caawa ka maqnaan doona Reece James oo anqowga ka dhaawacmay kulankii Manchester City ee Sabtidii, waxaana diiwaanka xiddigaha maqan ku wehliya Mason Mount iyo Christian Pulisic oo dhaawacan iyo N’Golo Kante oo ku jira karaantiilka Korona Fayras kaddib markii laga helay cudurkan.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Kani waxa uu noqon doonaa kulankii shanaad oo ay Juventus iyo Chelsea isaga hor imaanayaan tartanka Champions League waxaana ay kala gaareen min hal guul iyo labo barbarro afartii ciyaarood ee hore, kulankii ugu dambeeyayna Juve ayaa iyadoo joogta garoonkeeda 3-0 ku dharbaaxday kooxda Ingiriiska ah kulan ka tirsanaa wareegga guruubyada tartankan fasalkii 2012-13.

Chelsea ayaa guuldarro la kulantay afartii jeer ee ugu dambeysay ee ay Champions League ku boioqatay kooxaha ka dhisan Taliyaaniga, waxaana xusid mudan inay guuldarrooyinkaas ka qaadatay afar naadi oo kala duwan kuwaasoo kala ah Inter Milan 2009/10, Napoli 2011/12, Juventus 2012/13 iyo AS Roma 2017/18.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here