Horudhac: Juventus vs AC Milan

0
266

Inkastoo kooxda kubadda cagta ee Inter Milan ay horraan ku guuleysatay horyaalka Serie A, haddana waxaa xiiso gaar ah leh loollanka loogu jiro ku dhammeysiga afarta sare oo ay afar koox ku dagaallamayaan saddex boos.

Magaalada Turin ayaa caawa marti gelineysa kulan xiiso badan oo u dhexeeya kooxaha Juventus iyo AC Milan kuwaasoo ka simman dhanka dhibcaha maadaama ay wada leeyihiin min 69 dhibcood inkastoo Bianconeri ay dhanka farqiga goolasha ku sarreyso.

Napoli oo shalay guul gaartay ayaa haatan ku jirta booska labaad ee kala sarreynta horyaalka, halka Atalanta oo Juve iyo Milan ku dhibco ah ay ku jirto booska saddexaad, taasoo ka dhigan in The Old Lady iyo Rosseneri ay ku kala jiraan boosaska afaraad iyo shanaad ee kala sarreynta Serie A.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here