Horudhac: Everton vs Manchester United

0
296

Liverpool(Idaacadda Waamo)-Kooxda ka dhisan Gobolka Merseyside-ka ee Everton ayaa galabta oo Sabti ah waxa ay garoonkeeda Goodison Park ku soo dhoweynaysaa naadiga ka dhisan Magaalada Manchester ee Man United.

Labada Kooxood ayaa doonaya inay dib ugu soo laabtaan waddada guulaha kaddib markii laga soo adkaaday kulammadii ugu dambeeyey.

Toffees ayaa aragtay bilowoodii wacnaa ee xilli ciyaareedkeeda isbuucyadii la soo dhaafay, halka Man United ay fadhiso kaalinta 15-aad, iyadoo ku dhibtoonaysa bilowgeedii ugu xumaa ee kal ciyaareedka tan iyo fasal ciyaareedkii 1986-87.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Sabti 07 Nof  2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 03:30 Galabnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Goodison Park

Garsooraha: Paul Tierney (England)

Wararka Kooxaha:-

Kooxda Everton ayaa dib u soo dhoweynaysa kubbad abuuraheeda sare ee James Rodriguez kaddib markii uu dhowaanahan la maqnaa dhaawac.

Richarlison ayaa ganaaxan, laakiin Lucas Digne ayaa dib u soo laabanaya kaddib ganaax uu la maqnaa, iyadoo goolhaye Jordan Pickford uu ku soo laaban karo shaqaba kaddib markii kursiga keydka la dhigay kulankii ay kooxdu dheeshay Axaddii la soo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here