HORDHACA : Man City v Arsenal 

0
178

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxaha u tartamaya horyaalka Premier League ee Manchester City iyo Arsenal ayaa isku arkaya wareega afraad ee FA Cup kulan ay kahor kulamadooda horyaalka isku sii baran doonaan.

Arsenal oo Etihad Stadium imanaysa ayaa wareegii hore guul kasoo gaadhay kooxda heerka saddexaad ee Oxford halka City ay 4-0 kusoo dardartay Chelsea.

Xogta Kulanka

Tartanka: FA Cup

Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garoonka: Etihad Stadium

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Caawa.

Ortega ayaa la filayaa inuu goolka ugu soo bilawdo Man City halka Kyle Walker shaxda kusoo laaban karo balse Joao Cancelo ayaa markale keyd kusii jiri kara.

Pep ayay sidoo kale macquul tahay inuu fadhiisiyo hubkiisa weyn ee De Bruyne iyo Haaland isagoo kusoo shirtagaya Bernardo Silva iyo Julian Alvarez.

Dhinaca Arsenal Mikel Arteta ayaa isaguna goolhaye Turner kusoo bilaabi kara ciyaartan halka saxeexa cusub ee Kiwior kulankiisii koowaad kasoo muuqan karo kooxda iyadoo Tomiyasu iyo Tierney garbaha daafaca dheelayaan.

Vieira, Smith Rowe oo dhaawac kasoo kabtay iyo saxeexa cusub ee Trossard ayaa kusoo wada bilaaban kara iyagoo Nketiah weerarka ku caawinaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here