Hordhaca Kulanka :- Man City Vs Liverpool

0
211

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kulan xiiso leh ayaa dhexmaraya kooxaha Liverpool iyo Man City kaan tirsan wareega 16-ka ee tartanka Carabao cup kana dhici doona garoonka Etihad.

Kulanka: Man City Vs Liverpool

Tartanka: Carabao Cup

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Etihad Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

60-kii kulan ee ugu dambeeyay, Manchester City ayaa badisay 11 jeer, waxaa dhacay 21 barbaro, halka Liverpool FC ay badisay 28 jeer. Farqiga goolasha ayaa ah 98-77 oo ay guushu ku raacday Liverpool FC.

Manchester City ayaan wax guul ah gaarin 3-dii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay Liverpool FC.

Marka lagu ciyaarayo gurigooda, Manchester City ayaan wax guuldaro ah kala kulmin Liverpol 4-tii kulan ee ugu dambaysay.

Liverpool FC ayaan laga badin wax kulan ah 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Man City tartamada oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here