Hordhaca : Kooxaha Barcelona Iyo Bayern Munich

0
192

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Barcelona ayaa marti galin doonta Bayern Munich kulan ka tirsan champions League kulankii 5-aad ee wareega Group-yada tartanka.

Kulanka: Barcelona Vs Bayern Munich

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Camp Nou

Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo halis ugu jira in ay ka hadhaan tartanka champions League una laabtaan tartanka Europa League.

Rajada Barcelona ee wareega xiga ayaa ku xidhan kooxda Inter Milan laakiin waxa ay doonayaan in ay garaacaan kooxda Bayern.

Dhinaca kale Bayern ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo xaqiiqsaday booskooda wareega 16-ka ee tartanka champions League kadib markii ay badiyeen 4-tii kulan ee hore.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here