Hordhac: Man United Vs Liverpool

0
66

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kulanka ugu xiisaha badan premier league todobaadkan ayaa dhexmari doona kooxaha Man United iyo Liverpool.

Kulanka ayay labada kooxood u Soo galayaan sidii ay u badan lahaayeen.

Kulanka: Man United Vs Liverpool

Tartanka: Premier League

Wakhtiga:5:30

Garoonka: Old Trafford

XAQIIQOOYINKA 

Manchester United ayaa badisay kaliya hal kulan 11-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ee ay la ciyaartay Liverpool 4 bar-baro iyo 6 guuldaro, inkasta oo uu ahaa kulankan Oo kale xilli ciyaareedkii hore.

Waxa ay Laba kulan Oo xidhiidh ah kaga badin karoon Liverpool markii ugu horaysay tan ilaa tan iyo Sebtember 2015.

Guusha Red Devils ay ka gaartay quarter-finalka FA Cup-ka Liverpool ayaa aheyd guushoodii shanaad 20-kulan oo ay la ciyaareen kooxda Jurgen Klopp ee Liverpool (8-bar-baro iyo 7-guuldaro).

Liverpool ayaa heshay 34 darbo markii ay kooxuhu ku kala baxeen barbaro 0-0 bishii December, waana kulanka kaliya ee ay ku guuldareysteen inay gool dhaliyaan xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here