HORDHAC: Man United v Nottingham

0
236

Manchester United ayaa caawa dib u bilaabanaysa horyaalka Premier League kaddib mudo ay si lamid ah kooxaha kale hakad ugu jirtay Koobka aduunka.

Red Devils ayaa qaabilaya kooxda kaalinta ugu hooseysa joogta ee Nottingham Forest xilli ay doonayaan inay ku dhawaadaan kooxda booska afraad ee Tottenham oo afar dhibcood ka sarreysa iyadoo Manchester baaqi u yihiin laba kulan oo midka caawu ku jiraa.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

David De Gea ayaa booska goolka kusoo laaban kara kaddib markii uu Martin Dubravka ciyaaray kulankii ugu dambeeyay ee Carabao Cup.

Lisandro Martinez iyo Raphael Varane oo ciyaaray Finalkii Koobka aduunka ayaan diyaar u ahayn ciyaartan oo seegaya.

Harry Maguire oo xanuun ku maqnaa kulankii Burnley ee Carabao Cup ayaa diyaar ah wuxuuna daafaca dhexe kala dheeli karaa Victor Lindelof.

Casemiro ayaa khadka dhexe la dheeli doona Bruno iyo Eriksen halka weerarka ay kusoo wada bilaaban karaan Rashford, Martial iyo Antony.

Dhinaca Nottingham goolhaye Dean Henderson ayaan kahor iman karin kooxda uu amaahda kaga maqan yahay ee United taas oo ka dhigan in Wayne Hennessey kulankan dheeli doono.

Serge Aurier iyo Morgan Gibbs-White ayaa qiimayn xilli dambe ah taam ahaanshahooda lagu samayn doonaa halka Omar Richards, Giulian Biancone, Cheikhou Kouyate, iyo Moussa Niakhate ay dhammaantood maqnaan doonaan.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Man United (4-2-3-1): de Gea; Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Shaw; Eriksen, Casemiro; Antony, Bruno Fernandes, Rashford; Martial

Nottingham (4-3-3): Hennessey; Williams, Boly, Worrall, Toffolo; Colback, Mangala, Taha; Johnson, Awoniyi, Lingard

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Old Trafford

Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here