HORDHAC: Man United v Man City – Manchester Derby – Red Devils Oo Aargoosi U Socda, Shaxaha Iyo Xogaha Kulanka.

0
130

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Man United iyo Man City ayaa maanta isku faro-saaraya gegida Old Trafford kulan labada kooxoodba muhiim u ah oo ay waxbadani kaga xidhan yihiin.

Man City ayaa eeganaysa Arsenal oo hoggaanka shan dhibcood kaga haysa halka Man United qudheedu ay doonayso guul ay ugu dhawaato isla City oo afar dhibcood ka sarreysa.

Kooxda martida loo yahay ee Red Devils ayaa doonaysa sidoo kale aargoosiga natiijadii wareegii hore markaas oo 6-3 lagu dardaray ciyaar Etihad Stadium ka dhacday.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Diogo Dalot oo ku dhaawacmay kulankii Carabao Cup ee Charlton ayaa seegaya ciyaartan sida uu xaqiijiyay macalin Erik Ten Hag, Wan-Bissaka ayaa la filayaa inuu bedelkiisa dheelo.

Sidoo kale Anthony Martial oo uu Ten Hag xusay inuu dhaawac lugta ah qabo ayay macquul tahay inuu taam u noqdo ciyaartan maadaama uu shalay tababarka kusoo laabtay.

Varane iyo Martinez ayaa kusoo wada bilaaban kara daafaca dhexe mudo dheer kaddib iyadoo Luke Shaw daafaca bidix dheelayo.

Pep Guardiola ayaa isaguna waayaya Ruben Dias iyo John Stones oo dhaawacyo qaba, Joao Cancelo iyo Kyle Walker oo kulamadii ugu dambeeyay booskooda lumiyay ayaa garbaha daafaca kasoo muuqan kara.

Bernardo Silva ayaa khadka dhexe kaga soo hormari kara Ilkay Gundogan iyadoo Jack Grealish uu garabka bidix ku garaaci karo Phil Foden.

Riyad Mahrez oo wakhti fiican ku jira ayaa la filayaa inuu garabka midig kasoo caawiyo Erling Haaland oo weerarka dhexe ciyaaraya.

Shaxaha Macquulka Ah

Man United  (4-2-3-1): de Gea; Wan-Bissaka, Varane, Martinez, Shaw; Eriksen, Casemiro; Antony, Bruno Fernandes, Rashford; Martial

Man City (4-3-3): Ederson; Walker, Stones, Laporte, Cancelo; Silva, Rodri, De Bruyne; Mahrez, Haaland, Grealish

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 3:30 galabnimo xilliga geeska Africa

Garoonka: Old Trafford

Garsoore: Stuart Atwell

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here