HORDHAC: Man United v Chelsea

0
124

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Manchester United ayaa caawa gegida Old Trafford kusoo dhawayn doonta dhigeeda Chelsea kulan ay ku doonayso inay ku xaqiiqasato ka qayb qaadashada Champions League ee xilli ciyaareedka dambe.

Man United ayaa hal dhibic u baahan si ay u xaqiiqsato ku dhammaysiga afarta sarre halka guul ay gaadho ay caawa booska saddexaad ku fadhiisan karto.

Chelsea ayaa dhinaceeda xilli ciyaareed xun qaadanaysa iyadoo booska 12-aad kaga jirta kala sarreynta Premier League sabab weyn oo ay u ciyaaraysaana aysan jirin.

Wararka Labada Kooxood

Tababare Erik Ten Hag ayaa xaqiijiyay in weeraryahankiisa Marcus Rashford soo laabtay una muuqdo mid taam ah.

Manchester waxa dhaawacyo kala geddisan kaga maqnaan doona Phil Jones, Lisandro Martinez, Marcel Sabitzer iyo Donny van de Beek.

Rashfod ayaa la filayaa inuu booska kala baxo Anthony Martial isagoo weerarka kula soo bilaabanaya Jadon Sancho iyo Antony.

Wan Bissaka ayaa markale daafaca midig kaga soo hormari kara Dalot isagoo afarta dambe kala soo muuqanaya Varane, Lindelof iyo Shaw halka Casemiro, Eriksen iyo Bruno ay khadka dhexe wada dheeli karaan.

Macalinka kumeel gaadhka ah ee Chelsea ee Frank Lampard waxa liiska dhaawacyada kaga biiray daafaca dhexe ee Benoit Badiashile.

Blues waxa horeba uga mqnaa Marcus Bettinelli, Reece James, Mac Cucurella, Ben Chilwell, Mason Mount, N’Golo Kante iyo Armando Broja.

Chalobah, Fofana, Thiago Silva, Azpilicueta iyo Lewis Hall ayaa noqon kara shan daafac oo Chelsea kusoo shirtagto.

Fernandez, Loftus-Cheek iyo Gallagher ayaa saddexda khadka dhexe dheeli kara haddii uu maqnaado Kovacic oo shaki ku jiro iyadoo weerarka ay kusoo wada bilaabanayaan Sterling iyo Havertz.

Shaxaha Macquulka Ah

Man United (4-2-3-1): de Gea; Wan-Bissaka, Varane, Lindelof, Shaw; Casemiro, Eriksen; Antony, Bruno Fernandes, Sancho; Rashford

Chelsea  (3-4-1-2): Kepa; Chalobah, Silva, Fofana; Azpilicueta, Fernandez, Loftus-Cheek, Hall; Gallagher; Havertz, Sterling

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka:  Old Trafford

Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Stuart Attwell

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here