HORDHAC: Man United v Charlton – Red Devils Oo Afar Dhammaadka Carabao Cup Isha Ku Haya, Shaxaha Macquulka Ah & Xogaha Kulanka

0
142

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Man United ayaa caawa siddeed dhammaadka tartanka Carabao Cup la ballansan kooxda heerka saddexaad ee horyaalada England ee Charlton Athletic.

Red Devils ayaa guul ay ku gaadhaan Old Trafford wareega afar dhammaadka ee Carabao Cup kaga xaadiri doona xilli koob kasta muhiim u yahay xilli ciyaareedkan maadaama ay mudo abaaraysnaayeen.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Tababare Erik Ten Hag ayaa isbedelo badan samayn kara isagoo kulankiisii koowaad ciyaarsiin kara goolhaye Jack Butland oo dhawaan Crystal Palace amaah ugaga yimid halka Lindelof iyo Maguire daafaca dhexe ku midoobi karaan.

Bruno Fernandes ayaa ganaax ku seegaya ciyaartan taas oo fursad u noqon karta da’yarka Zidane Iqbal, Garnacho ayaa garabka bidix kusoo bilaaban kara bedelka Marcus Rashford.

Dhinaca Charlton waxa dhaawac kaga maqnaan doona goolhaye Joe Wollacott iyo Mandela Egbo iyo Diallang Jaiyesimi.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Man United (4-3-3): Butland; Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Malacia; Fred, McTominay, Iqbal; Antony, Martial, Garnacho

Charlton Athletic (4-3-3): MacGillivray; Clare, Ness, Inniss, Sessegnon; Fraser, Dobson, Morgan; Blackett-Taylor, Stockley, Rak-Sakyi

Xogta Kulanka

Tartanka: Carabao Cup

Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garoonka: Old Trafford

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here