Hordhac: Man City Vs Schalke

0
457

Kooxda Man City ayaa marti galin doonta kooxda Schalke kulan ka tirsan lugta 2-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League kulan ka dhici doona garoonka Etihad Stadium

Man City ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo haatanba hal lug lasii gashay wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.

Dhanka kale kooxda Schalke ayaa isku dayi doonta in ay samayso mucjisadii ay sameeyeen kooxaha Ajax iyo Man United kuna reebeen kooxaha Real Madrid iyo PSG.

Kulanka: Man City Vs Schalke

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 11:00 Habeenimo

Garoonka: Etihad Stadium 

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Man City ayaa guul gaadhay mid kasta oo ka mid ah 3-dii kulan ee ugu dambaysay ee ay Kooxda Schalke la ciyaartay champions League iyada oo uu ka mid yahay guushii 5/1 ahayd ee ay Man City ka gaadhay Schalke Semi-finalka tartanka Cup Winners’ Cup ee Sanadkii 1969-70.

27 kulan oo hore oo ay koox ku badisay 3 gool iyo wax ka badan iyaga oo ku ciyaaraya meel ka baxsan garoonkooda lugta 1-aad ayaa dhamaantood soo wada baxay una gudbay wareega xiga.

Kooxda Man City ayaa kaliya la kulantay guuldaro 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay garoonkeeda ku marti galisay kooxaha Reer Germany Waxana uu ahaa kulan ay la Ciyaartay Bayern Munich.

Tababaraha Kooxda Man City Ee Guardiola ayaan Waligiis Guuldaro Kala kulmin Kooxda Schalke 7 kulan oo uu ka hor tagay 5 kulan Wuu ka badiyay 2 kulan bar-baro ayuu La galay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here