Hordhac: Man City Vs Liverpool

0
109

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kulanka ugu xiisaha Badan premier League ayaa dhexmari doona kooxaha Liverpool iyo Man City kulan ka tirsan horyaalka todobaadkii 13-aad.

Kooxda Man City ayaa doonaysa in ay sii wadato guulaha isla markaas sii wadato hogaaminta horyaalka premier League.

Dhinaca kale Liverpool ayaa doonaysa in ay sii wado guulaha xidhiidhka ah isla markaas hogaanka kala wareegto Man City.

Kulanka: Man City Vs Liverpool

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 3:30

Garoonk: Etihad Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Manchester City ayaa dooneysa inay garaacdo Liverpool kulan xiriir ah oo horyaalka ah markii ugu horeysay tan iyo afar kulan oo xiriir ah intii u dhaxeysay 1935 iyo 1937.

Guusha kaliya ee ay Liverpool gaartay 14-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League oo ay marti u ahayd City ayaa ahayd 4-1 bishii November 2015 markaas oo uu Jurgen Klopp hogaaminayay xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeeyay (5 bar-baro iyo 8 guuldaro).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here