Hordhac Man CIty Vs Burnley

0
190

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda Man City ayaa la ciyaari doonta kooxda Burnley kulan ka tirsan 8 dhamaadka tartanka FA Cup-ka kulan ka dhici doona Etihad.

Man City ayaa isha ku haysa in ay gaadho Semi-final-ka FA Cup-ka xilli ciyaareedkii 5-aad oo xidhiidh ah marka ay la ciyaari doonaan Burnley.

Dhinaca kale Burnley oo uu hogaaminayo Halyeeyga Man City ee Kompany ayaa doonaya in uu kooxdiisii hore ka reebo tartanka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan.

Kulanka: Man CIty Vs Burnley

Tartanka: FA Cup

Wakhtiga: 8:45

Garoonka Etihad Stadium

XAQOOQOOYINKA KULANKA:

Ka dib markii ay guuldarro la kulmeen kulankoodii ugu horreeyay ee FA Cup ee Burnley bishii January 1931, Manchester City ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay ka hortagto Clarets tartanka, waxaana ugu dambeysay 5-0 ay kaga badiyeen wareega afaraad ee 2018-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here