Hordhac: Lyon vs Bayern Munich – Shaxaha Macquulka Labada Kooxood.

0
360

Portugal-(Idaacadda Waamo) Bayern Munich iiyo Lyon oo caawa foodda  isku daraya garoonka Estadio Jose Alvalade, ayaa Laga Sugayaa in Midkood uu Finalka ugu Tago PSG oo Xalay RB Leipzig Kusoo Garaacday 3-0, iskaana Xaadirisay Finalka Tartanka Champions League ee Xili Ciyaareedkan.

Kooxda Reer Germany ee Bayern Munich Waxay Wareeggii Sideeda Kusoo Xasuuqday Kooxda Reer Spain ee Barcelona oo ay Kusoo Garaacday 8-2, Dhanka Kale Kooxda Reer France ee Lyon ayaa iyaduba Dab yar Soo Shidin Waayo Waxay Guul Weyn Kasoo Gaartay Kooxda Reer England ee Manchester City oo ay Kaga Soo Badisay 3-1.

Xogta kulanka oo Kooban .

Ciyaarta: Lyon vs Bayern Munich

Tartanka: Semi-finalka Champions League

Waqtiga: 10-pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Estadio Jose Alvalade

Wararkii ugu Dambeeyey ee dhaawacyada iyo ganaaxyada labada kooxood

Kooxda Bayern Munich Waxa usoo Laabtay Difaaca Benjamin Pavard oo Maalinkii Isniintii Tababarka Si Buuxa u Qaatay, Laakiin Waxay u Badan Tahay in aanu Boos Heli Doonin oo ay Joshua Kimmich iyo Alphonse Davies Labada Garab ee Difaaca Ka Ciyaari Doonaan, Halka Boateng iyo Alaba ay Difaaca Dhexe Ku Lamaan yihiin.

Robert Lewandowski oo Siddeed Kulan oo isku Xiga oo Tartanak Champions League ee Xili Ciyaareedkan Soo Dhaliyey ayaa Waxa uu Hiigsanaya inuu Soo Qabto Ruud Van Nistelrooy oo Sanadkii 2003 Sagaal Kulan oo Xiriir ah Goolal Soo dhaliyey iyo Cristiano Ronaldo oo sannadkii 2018 Soo Dhaliyey 11 Kulan oo Xiriir ah.

Dhanka Kooxda Reer Franse ee Lyon Waxa Xulashada Koowaad u Diyaarsan Weeraryahanka Kulankii Kooxda Man City Guusha Ku Hoggaamiyey ee Moussa Dembele, Waxaana La Filayaa In Kursiga Keydka Loo Dhaadhiciyo Xidiga Karl Toko Ekambi.

Shaxaha Macquulka ah ee Labada Kooxood

Kooxda Lyon: Lopes; Marcelo, Denayer, Marcal; Dubois, Caqueret, Guimaraes, Aouar, Cornet; Ekambi, MemphisImage

Kooxda Bayern Munich: Neuer; Kimmich, Boateng, Alaba, Davies; Goretzka, Thiago; Gnabry, Muller, Coman; Lewandowski

Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here