Hordhac: Liverpool Vs West Ham: Reds Oo Doonaysa In Ay Sii Wado Guulaha

0
126

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda Liverpool ayaa marti galinaysa kooxda West Ham kulan ka tirsan premier League todobaadkii 6-aad ee horyaalka premier League.

Kulanka ayaa ka dhici doona Anfield waxana ay Reds doonaysaa in ay guul ka gaadho Kulanka.

Dhinaca kale West Ham oo si fiican ku bilaabatay xilli ciyaareedka ayaa doonaysa in ay sii wado guulaha.

West Ham ayaa 3-2 ku garaacday Liverpool garoonka London Stadium bishii November 2021 laakiin taasi waa guushooda kaliya ee 14-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka (2 bar-baro iyo 11 guuldaro).

Guusha kali ah ee Hammers 54-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay Anfield tartamada oo dhan waxa ay ahayd 3-0 kulan ka tirsan Premier League bishii Agust 2015.

Reds ayaan laga badinin 16 kulan oo Premier League ah – ma jirto koox kale oo aan laga badinin wax ka badan lix kulan.

Merseysiders ayaa gadaal ka timid si ay u badiyaan kaliya seddex kulan oo horyaalka ah 2022-23, laakiin seddex ka mid ah afartii guul ee ay xilli ciyaareedkan ku guuleysteen ayaa sidaas u dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here