HORDHAC: Liverpool v Villarreal – Reds Oo Final-ka Isha Ku Haya, Emery Oo Markale Koox Weyn Dili Kara & Shaxaha Macquulka Ah

0
207

Kooxda ree Spain ee xilli ciyaareedkan wacdaraha dhigaysa ee Villarreal ayaa caawa tagaysa gegida Anfield iyaga oo halkaas isku dayi doona inay markana kaga soo naxsadaan dhigooda Liverpool.

Reds ayaa wareegii hore ee tartankan kusoo reebay kooxda Benfica halka ay Yellow Submarine soo cidhib tireen Bayern Munich oo ay lama filaan kusoo dhigeen.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Liverpool ayaan wax dhaawacyo ah oo cusub ka cabanayn kahor kulankan balse waxay waayi karaan markale weeraryahan Roberto Firmino.

Sadio Mane ayaa la filayaa inuu markale booska weeraryahanka dhexe kasoo muuqdo iyadoo ay garbaha ka caawinayaan Luiz Diaz iyo Mohamed Salah taas oo ka dhigan in Diogo Jota keydka kusoo bilaaban doono.

Thiago ayay isagana u badantahay inuu khadka dhexe kasoo muuqdo isaga oo ka garab ciyaaraya Fabinho iyo Henderson oo booska kala bixi doona Naby Keita halka Konate soo gali doono booska Joel Matip.

Dhinaca Villarreal waxa maqnaan doona labadeeda xiddig ee muhiimka u ah ee Gerard Moreno iyo Alberto Moreno oo ay u badantahay inay inta xilli ciyaareedka ka dhiman seegaan.

Chukwueze iyo Danjuma ayaa markale hoggaamin doona weerarka Villarreal iyadoo uu ka dambayn doono Giovani Lo Celso.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Liverpool (4-3-3): Alisson; Alexander-Arnold, Konate, van Dijk, Robertson; Henderson, Fabinho, Thiago; Salah, Mane, Diaz

Villarreal  (4-3-1-2): Rulli; Foyth, Albiol, Torres, Estupinan; Parejo, Coquelin, Capoue; Lo Celso; Chukwueze, Danjuma

Xogta Kulanka

Tartanka: Champions League

Garoonka: Anfield

Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Szymon Marciniak (Poland)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here