HORDHAC: Liverpool v Real Madrid – CL Finale – Reds Oo Aargoosi U Socda, Los Blancos Oo Guul Kale Doonaya & Xogaha Kulanka Xilli Ciyaareedka

0
239

Kooxaha Liverpool iyo Real Madrid ayaa afar sano kaddib markale ku kulmaya kulanka kama dambaysta ah ee Champions League iyaga oo markan isku arkaya gegida Stade de France ee magaalada Paris.

Reds ayaa isha ku haya aargudasho guuldarradii ka gaadhay Final-kaas hore ah iyo koobka markoodii toddobaad halka Los Blancos ay doonayaan guul ay koobka ku qaadaan markoodii 14-aad.

Jurgen Klopp ayaa kasoo gudbay Inter Milan, Benfica iyo Villarreal halka Carlo Ancelotti uu kasoo talaabsaday Paris Saint-Germain, Chelsea iyo Manchester City.

Liverpool oo war aad ugu wanaagsan helaysa ayaa ah inuu kulankan taam u yahay khadka dhexe ee Fabinho oo dhaawac ku seegay ciyaarihii ugu dambeeyay, sidoo kale Thiago Alcantara oo ku dhaawacmay kulankii ugu dambeeyay ee Wolves ayaa tababarka kusoo noqday.

Daafaca dhexe ayaa la filayaa in markale Ibrahima Konate oo uu Klopp kusoo ciyaarayay kulamada Champions League uu adeegsan doono isaga oo keydka dhigaya Joel Matip.

Fabinho iyo Thiago ayay u badantahay inay boosaskooda deg-deg dib ugu heli doonaan halka la filayo in kabtan Jordan Henderson uu kasoo hormari doono Naby Keita.

Klopp ayaa lagu wadaa inuu saddexleyda afka hore ka dhigi doono Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Luis Diaz oo u muuqday kuwa uu kulamada ugu adag kusoo aaminayay muddooyinkan ugu dambeeyay.

Dhinaceeda Real Madrid ayaa rajaynaysa in daafaceeda David Alaba oo aan in mudo ah ciyaarin uu kulankan diyaar u yahay isaga oo Militao daafaca dhexe lamaane kula noqon doona.

Saddexleyda ruugcaddaaga ah ee khadka dhexe ee Toni Kroos, Casemiro iyo Luka Modric ayaa lagu wadaa inay boosaskooda sii ilaashan doonaan halka Fede Valverde uu weerarka kala qayb qaadanayo Vinicius Jr iyo Karim Benzema.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Liverpool (4-3-3): Alisson; Alexander-Arnold, Konate, van Dijk, Robertson; Henderson, Fabinho, Thiago; Salah, Mane, Diaz

Real Madrid (4-3-3): Courtois; Carvajal, Militao, Alaba, Mendy; Modric, Casemiro, Kroos; Valverde, Benzema, Vinicius

Xogaha Kulankan

Tartanka: Champions League

Garoonka: Stade de France

Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Clement Turpin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here