HORDHAC: Liverpool v Brighton

0
180

Liverpool oo ujeedadeedu tahay inay xilli ciyaareedkan ay qaabka gaabiska ah ku bilawday dib usoo noolayntiisa bilawdo ayaa maanta Anfield kusoo dhawaynaysa Brighton.

Dhinaceeda Brighton ayaa kulankani u yahay midkii ugu horreeyay ee uu kooxda layliyo tababaraha cusub ee Roberto De Zerbi oo Shakhtar Donestk kaga soo biiray.

Jurgen Klopp ayaa arkay xaalada dhaawacyada xiddigaha kooxdiisa oo kasoo raysay mudadii fasaxa caalamiga ah lagu maqnaa. Warka wanaagsan ayaa ah in daafaca dhexe ee Ibrahima Konate uu tababarka buuxa kusoo noqday.

Sidoo kale waxa taam ahaansho buuxa helay kabtan Jordan Henderson taas oo ka dhigan in daafaca bidix ee Andrew Robertson yahay xiddiga asaasiga ah ee ka maqnaan doona Reds.

Si lamid ah Robertson sidoo kale waxa dhaawacyo qaba Kelleher, Naby Keita, Chamberlain iyo daafaca midig ee Calvin Ramsay.

Henderson ayaa Elliot keydka dhigi kara oo khadka dhexe kala soo muuqan kara Thiago Alcantara iyo Fabinho halka Joel Matip uu daafaca dhexe kala ciyaari doono Virgil Van Dijk.

Safka weerarka ayaa la filayaa in Diogo Jota kala soo muuqdo Luis Diaz iyo Mohamed Salah taas oo la micno ah in Darwin Nunez keydka soo fadhiisan karo.

Dhinaca Brighton xiddiga kaliya ee ka maqan ayaa ah khadka dhexe ee Jakub Moder oo dhaawac mudo dheer ah oo jilibka ah kasoo kabanaya halka Adam Lallana diyaar u yahay inuu kahor tago kooxdiisii hore.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Liverpool (4-3-3): Alisson; Alexander-Arnold, Matip, van Dijk, Tsimikas; Henderson, Fabinho, Thiago; Salah, Jota, Diaz

Brighton (3-4-2-1): Sanchez; Veltman, Dunk, Webster; Lamptey, Mac Allister, Caicedo, March; Gross, Trossard; Welbeck

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Anfield

Garsoore: Andrew Madley

Wakhtiga: 5:00 galabnimo xilliga geeska Africa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here