HORDHAC: Liverpool v Bournemouth

0
173

Liverpool oo u hamuun qabta guusheedii koowaad ee xilli ciyaareedkan Premier League ayaa Usbuuca afraad qaabilaysa dhigeeda dhawaan-galka ku ah Premier League ee Bournemouth.

Reds ayaa saddexda kulan ee ay ciyaareen laba barbardhac lasoo galay Crystal Palace iyo Fulham halka ay guuldarro kala soo kulmeen Man United, Cherries ayaa iyaguna saddexdooda kulan guul kasoo gaadhay Aston Villa halka ay guuldarro kala soo kulmeen Arsenal iyo Man City.

Jurgen Klopp ayaan wax dhaawacyo cusub ah ku qabin Liverpool balse waxa sii maqnaan doona Calvin Ramsay, Thiago, Diogo Jota, Naby Keita, Chamberlain, Kelleher, Matip, Curtis Jones iyo Ibrahima Konate.

Roberto Firmino ayaa sii wadi doona inuu kasoo muuqdo booska weeraryahnka dhexe maadaama oo uu Darwin Nunez maqan yahay oo wali ganaax u socdo.

Fabinho oo keydka ku bilawday kulankii Man United ayaa la filayaa inuu booskiisa kusoo laabto isagoo James Milner bedelaya.

Dhinaciisa tababare Scott Parker ayaa waayaya xiddigo dhawr ah kahor kulanka uu Anfield martida ku noqonayo waaxaana ay kala yihiin Joe Rothwell, Ryan Fredricks, Junior Stanislas iyo David Brooks.

Warka wanaagsan ayaa ah inuu soo laabtay Jamal Lowe halka uu dhinaciisa Dominic Solanke tijaabo xilli dambe ah mari doono si loo hubiyo haddii uu kooxdiisii hore kahor tagayo.

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Liverpool (4-3-3): Alisson; Alexander-Arnold, Gomez, van Dijk, Tsimikas; Henderson, Fabinho, Elliott; Salah, Firmino, Diaz

Bournemouth (3-4-3): Travers; Mepham, Senesi, Kelly; Smith, Pearson, Lerma, Zemura; Tavernier, Moore, Christie

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Anfield

Wakhtiga: 5:00 galabnimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Stuart Attwell

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here