Kooxda horyaalka Premier League hoggaanka u haysa ee Arsenal ayaa booqanaysa Leicester City oo xilli ciyaareed adag maraysa.
Leicester ayaa dhawaan laba guulood oo waaweyn kasoo gaadhay Aston Villa iyo Tottenham balse usbuucii hore guuldarro 3-0 ah kala kulantay Man United oo ay martiday.
Arsenal oo toddobaadkii hore dhinaceeda guul soo laabasho 4-2 ah kasoo heshay Villa ayaa doonaysa inay ugu yaraan labada dhibcood ee ay hoggaanka haatan ku hayso kusii haysato.
James Justin, Ryan Bertrand iyo Jonny Evans ayaa dhaawacyo wali ka qaba Leicester halka kubad sameeyaheeda James Maddison tijaabo xilli dambe ah oo taam ahaanshihiisa lagu eegayo mari doono.
Arsenal waxa kaliya la hubaa inay ka maqnaan doonaan Gabriel Jesus iyo Mohamed Elneny halka kulanka kahor qiimayn lagu samayn doono burburiyaha khadka dhexe ee Thomas Partey.
Jorginho ayay u badantahay inuu doorka No.6 dheelo halka Gabriel Martinelli booska garabka bidix dib ugala bixi karo Leandro Trossard.
Shaxaha Macquulka Ah
Leicester City (4-2-3-1): Ward; Castagne, Souttar, Faes, Kristiansen; Tielemans, Dewsbury-Hall; Tete, Maddison, Barnes; Iheanacho
Arsenal (4-3-3): Ramsdale; Ben White, Saliba, Gabriel Magalhaes, Zinchenko; Odegaard, Jorginho, Xhaka; Saka, Nketiah, Martinelli
Xogta Kulanka
Tartanka: Premier League
Garoonka: King Power Stadium
Wakhtiga: 6:00 fiidnimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Craig Pawson