HORDHAC: Crystal Palace v Man United

0
117

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Man United ayaa caawa marti ku ah magaalada London gaar ahaan gegida Selhurt Park oo ay ku booqanayaan dhigooda Crystal Palace iyagoo ujeedo leh.

Kooxda tababare Erik Ten Hag ayaa guul ay gaadho si kumeel-gaadh ah booska labaad ugaga sii qaban doonta Manchester City halka xiddigaha macalin Patrick Vieira doonayaan guul ay wadada guulaha ugu soo laabtaan.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Crystal Palace waxa kulankii Chelsea dhaawac uga baxay Joachim Andersen balse ma cadda haddii uu seegayo kulankan.

Man United waxa dhaawac kaga maqnaan doona Anthony Martial waxaana bedelkiisa kusoo bilaaban kara saxeexa cusub ee Wout Weghorst.

Harry Maguire iyo Lisandro Martinez ayaa daafaca dhexe ku midoobi kara iyadoo Luke Shaw daafaca bidix ku noqonayo isla markaana Raphael Varane la nasinayo.

Ten Hag ayaa sidoo kale dooran kara inuu nasiyo Eriksen iyo Rashford isagoo kusoo bilaabaya bedelkooda Fred iyo Garnacho.

Shaxaha Macquulka Ah

Crystal Palace (4-3-3): Guaita; Clyne, Guehi, Andersen, Mitchell; Hughes, Doucoure, Olise; Eze, Zaha, Ayew

Man United (4-2-3-1): de Gea; Wan-Bissaka, Maguire, Martinez, Shaw; Casemiro, Fred; Antony, Bruno Fernandes, Garnacho; Weghorst

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Selhurst Park

Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: John Brooks

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here