Hordhac: Chelsea Vs Nottingham Forest

0
104

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda chelsea ayaa marti galinaysa kooxda Nottingham Forest kulan ka tirsan horyaalka premier League kana dhici doona Stamford Bridge.

Chelsea ayaa raadinaysa guusheedii 2-aad ee horyaalka premier League iyo midii 2-aad oo xidhiidh ah ee ay ka gaadhaan horyaalka.

Dhinaca kale Nottingham Forest ayaa doonaysa in ay xaalka ku xumayso kooxda chelsea oo ku jirta wakhti is badal ah.

Kulanka: Chelsea Vs Nottingham Forest

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 5:00

Garoonka: Stamford Bridge

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Chelsea ayaan wax guuldaro ah la kulmin sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay Nottingham Forest tartamada oo dhan tan iyo markii ay guuldaro 2-0 ah kala kulmeen bishii January 1997dii.

Guusha kaliya ee Forest ay gaartay 14-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay banaanka ku wajahdo Chelsea waxa ay aheyd 2-0 ay kaga badiyeen January 1995kii.

Si kastaba ha ahaatee, ka dib todobo guul oo xiriir ah oo ay ka gaareen Forest tartamada oo dhan, Blues ayaa barbaro gashay labadii kulan ee Premier League xilli ciyaareedkii hore.

Guushii Chelsea ay ka gaartay Luton ayaa soo afjartay sideed kulan oo Premier League ah oo aysan wax guul ah ku gaarin gurigeeda, waana guushoodii labaad oo kaliya 15-kii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here