HORDHAC: Chelsea v Liverpool – Carabao Cup Finale – Klopp Iyo Tuchel Oo Qoorta Iskula Jira & Xogta Kulankan

0
177

Liverpool oo qarka u saaran inay qaab rekoodh ah markeedii sagaalaad ugu guuleysato tartanka Carabao Cup ayaa magaalada London gaar ahaan gegida Wembley Stadium ugu tagaysa kooxda Chelsea.

Reds ayaa labadii kulan ee wareega afar dhammaadka kaga soo adkaaday Arsenal halka Chelsea ay meel iska soo saartay Tottenham.

Manchester City iyo Liverpool ayaa ah kooxaha ugu badan hanashada tartankan oo ay min siddeed jeer soo qaadeen balse markii ugu dambaysay ee ay Reds qaadeen ayaa ahayd 10 sano kahor halka Chelsea ay shan jeer soo hantiday.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Chelsea ayaa haysata saf buuxa oo uu ka maqan yahay kaliya daafaca bidix ee Ben Chilwell oo dhaawac inta xilli ciyaareedka ka dhiman ku seegaya.

Tuchel ayaa rajaynaya inay kulankan ka qayb qaadan karaan Reece James iyo Callum Hudson-Odoi oo dhawaan tababarka kusoo laabtay iyo waliba xiddigihii dhaawaca uga baxay kulankii Lille ee Hakim Ziyech iyo Mateo Kovacic.

Tuchel ayaa go’aamo waaweyni horyaalaan sida haddii uu goolhaye Kepa Arrizabalaga kusoo bilaabayo goolka iyo hadii uu markale weeraryahan ahaan u adeegsan doono Kai Havertz oo keydka u dhaadhicin doono Romelu Lukaku.

Dhinaca Liverpool, weeraryahan Diogo Jota ayaa lagu soo warramayaa inuu gabi ahaanba taam buuxa yahay oo uu kulankan door ku yeelan doono walow ay u badantahay inuusan shaxda asaasiga ah toos ugu soo noqon doonin.

Roberto Firmino ayaa isaga meesha laga saaray fursadiisa dhaawaciisa ayaana ah mid aan u saamixi doonin inuu kasoo muuqdo ciyaartan.

Tababare Klopp ayaa isaguna go’aan ka gaadhi doono haddii uu goolka kooxdiisa kusoo bilaabayo goolhaye Kelleher iyo haddiiba uu Alisson kusoo shirtagayo.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Chelsea: Kepa; Christensen, Silva, Rudiger; Azpilicueta, Jorginho, Kante, Alonso; Mount, Pulisic; Havertz

Liverpool: Kelleher; Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Robertson; Henderson, Fabinho, Thiago; Salah, Mane, Diaz

Xogta Kulanka

Tartanka: Carabao Cup

Garoonka: Wembley Stadium

Wakhtiga: 7:30 fiidnimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Stuart Attwell

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here