HORDHAC: Chelsea v Arsenal

0
139

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Arsenal ayaa maanta booqanaysa dhigeeda ay magaalada London isku hayaan ee Chelsea kulan ay ku doonayso inay hoggaanka kaga soo ceshato Manchester City oo xalay ka sarre martay.

Kulankan ayay Blues oo ciyaartii ugu dambaysay ee horyaalka natiijo bahdilaad ah kala soo laabtay Brighton ku doonayaan inay iskaga maydhaan oo dhibcaha ku helaan.

Dhinaca kale arrinta xiisaha usii yeelaysa ciyaarta ayaa ah muuqaalkii BT Sports ay ka duubeen Aubameyang oo kooxdiisii hore ee Arsenal kahor tagaya isagoo buluug ah iyagoo u sheegay inuu digniin adag usii diro.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Daafaca bidix ee Ben Chilwell oo kulankii ugu dambeeyay ee Champions League ku dhaawacmay ayay Chelsea shalay ku dhawaaqday inuu mudo garoomada ka maqnaan doono.

Blues ayay sidoo kale ka dhaawacan yihiin xiddigaha muhiimka ah ee kala ah Reece James, Wesley Fofana, N’Golo Kante iyo goolhaye Kepa.

Graham Potter ayaa haddii uu shaxda shan difaac doorto saddexda daafac dhexe u xulan kara Thiago Silva, Chalobah iyo Kalidou Koulibaly.

Waxa jirta suurogalnimo uu Loftus-Cheek daafaca garab midig kaga dheeli karo bedelka Azpilicueta halka Mateo Kovacic iyo Jorginho khadka dhexe kasoo muuqan karaan.

Daafaca garab ee Takehiro Tomiyasu ayaa isaguna kulankii Europa League kaga dhaawacmay Arsenal waxayna u badantahay inuu maqnaado.

Tierney ayaa la filayaa inuu daafaca bidix kusoo bilawdo maadaama Zinchenko haatan uun tababarka kusoo laabtay, Partey iyo Xhaka ayaa boosaska khadka dhexe kala bixi doona Elneny iyo Lokonga.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Chelsea (3-4-3) – Mendy; Azpilicueta, Silva, Koulibaly; Loftus-Cheek, Jorginho, Kovacic, Cucurella; Sterling, Aubameyang, Mount

Arsenal (4-2-3-1) – Ramsdale; Ben White, Saliba, Gabriel, Tierney; Partey, Xhaka; Saka, Odegaard, Martinelli; Jesus

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Stamford Bridge

Wakhtiga: 3:00 galabnimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Michael Oliver

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here